Siduu caashaqu ii sido
Ayuu adna kuu sitaa
Siduu iigu kaa sakhiro
Miyuu igu kaa sabaa
Siduu caashaqu ii sito
Ayuu adna kuu sitaa
Siduu iigu kaa sakhiro
Miyuu igu kaa sabaa
Sidaan sambabkiyo bogayga
Qalbiga meel kaaga sudhay
Sadrigaaga intaan dhex dagay
Miyaad igu sar go,antahay
Sidaan sambabkiyo bogayga
Qalbiga meel kaaga sudhay
Sadrigaaga intaan dhex dagay
Miyaad igu sar go,antahay
Miyaad saqda dhexe dartay
Hurdada salaad toostayoo
Sahwiga caashaqu ku baday
Cadceed subax cadceed subax
Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa
Miyaad saqda dhexe dartay
Hurdada salaad toostayoo
Sahwiga caashaqu ku baday
Cadceed subax cadceed subax
Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa
Siduu ii siro caashaqu
Miyuu iila kaa simaa
Siduu iigu kaa san talo
Miyuu iigu kaa sahlaa
Siduu ii siro caashaqu
Miyuu iila kaa simaa
Siduu iigu kaa san talo
Miyuu iigu kaa sahlaa
Sidaan seer ahaa wadnaha
Saldhig adi kaaga dhigay
Saamigaaga intaan ka ahay
Miyaad igu sad siisaa
Sidaan seer ahaa wadnaha
Saldhig adi kaaga dhigay
Saamigaaga intaan ka ahay
Miyaad igu sad siisaa
Miyaad saqda dhexe dartay
Hurdada salaad toostayoo
Sahwiga caashaqu ku baday
Cadceed subax cadceed subax
Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa
Miyaad saqda dhexe dartay
Hurdada salaad toostayoo
Sahwiga caashaqu ku baday
Cadceed subax cadceed subax
Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa
Kugu soo baxdaa ugu soo baxdaa