ishii daydaa mar qudha
waxay dartaa kalgacal
dunina lama keenin abid
sideeda qof daacadoo
damiirkii qurux ku daray

waxay daajisa naftaydayda
waxaay deeqda kashayda
waxay ku hagtaa digreeto
nafbay u ahaatay deeqa

sunduus illaahba iigu deeqo
anaa la dubano jeclaaday
qalbiga darmo ugu diyaarshay
ducana rabi uga dalbaaya

daryeelkeedan u bogay
dulqaadkeediyo asluubta
daganiyo dabcigiyo xishoodka
waxaan u maleeyay daabac
dunida kaligeed dakaysa

dadkay ugu muuqata
aniga waa ii daawo ruux
digtoor weeyan ii dahsoon
ka weyn inta dunida taala

Exit mobile version