Mise hansigaygii
Gayaan hirashadaydii
Mise hansigaygii
Gayaan hirashadaydii
Halyayadaan is baranay
Haasawaha gorfaynay
Adaa maanku kaa helay
Adaa adaa adaa heelan galiyoo
2x

Adigaa had iyo jeer
Aniga i horjoogoo
Adigaa had iyo jeer
Aniga i horjoogoo
Waan ku halacsadaa
Sida hooyo ubadkeed ubadkeed
Sida hooyo ubadkeed
Sida hooyo ubadkeed ubadkeed
Sida hooyo ubadkeed
2x

Halgankiisa caashaqa
Markaad guur ka hanataa
Hadafkiisa gaartaa
Waan huba dhankaygee dhankaygee
Hindisayee na meel mari meel mari
Hindisayee na meel mari meel mari
2x

Haneedkaada quruxdaa
Raga kaga horaysaa
Haneedkaada quruxdaa
Raga kaga horaysaa
Adaa bilic ka hodonaa
Hanka laasha sii gali
Hiyigayga sii kici
Muhashada muhashada
Muhashada hinqanayaa
2x

Heedhe lama huraanoow
Gayaankan ka heebshoow
Heedhe lama huraanoow
Gayaankan ka heebshoow
Hanaan muuq wanaagoow
Aan kaa helo aan kaa helo
Kaa helo kaa helo hagaagee
Aan kaa helo aan kaa helo
Kaa helo kaa helo hagaagee
2x

Halgankiisa caashaqa
Markaad guur ka hanataa
Hadafkiisa gaartaa
Waan huba dhankaygee dhankaygee
Hindisayee na meel mari meel mari
Hindisayee na meel mari meel mari
2x

Exit mobile version