malaha waa cadar fardowso
dadbaa ku carfoo korkeda
gobtay camirtaa udgoonle
naftaa curadaa ubaahan
qofkii curubtaa jaleeca
ayaa cimrigii xasuusta
ma caajiso ruux dhageystay
xabeebta codkeda saaran
allaha caalamkeena taagay
ayaa cisigeeda dhowray
caqliga garashaa uraacayday
ninkay calmataa ayaan leh

cadceeda iftaay idhagayso
dhulkiyo caradii aduunka
cawaatin iyo misbaaxaa
qurayshta yadbaa la cayna
cidbaan quruxdeeda gadhayn
cudoon dhaqankeeda yeelan
wanaaga iyadaa ku caana
canaantiyo man aqoonin
allaha caalamkeena taagay
ayaa cisigeeda dhowray
caqliga garashaa uraacayday
ninkay calmataa ayaan leh
allaha caalamkeena taagay
ayaa cisigeeda dhowray
caqliga garashaa uraacayday
ninkay calmataa ayaan leh

Exit mobile version