sidrigeyga xubi saaqay
kama suulin oo subax ciida
subxaanka loo sujuuday
soo bodayga intan saaray
kuma siinin
oo salsaaqii samaan badan
kusaleysan sumadaada
qurux soohin kusiyaaday
sinjigaaga sawrac dheehle
kusifeysan sow ma moodo
qorax saaran fad siraadan
aanka suulno sirsadeeda
siliceeda igu saacid
faham sugan samirkiisa
haygu sabin sacaba beena
oo saluugle xubi suugan
hasagsaagin saxmi maayee
samirkaaga hasargoynin
hasiyaade ha sargoynin
sidaad doonto sidaad
diido naf sugeysa
sawirkaaga siisaneynin
bilyan soohdin saanku
neefle kul simaynin
sikin doora bal lasaayir
haku saarin hukur saaka

Exit mobile version