sadrigayga xubi saaqay
kama suulin kama suulin
oo subax ciida oo subxaabka
loo sujuuday loo sujuuday
soo bogayga intaan saaray
kuma siinin kuma siinin

qosol saafi samaan badan ku salaysan
sumadaada qurux sooci ku siyaaday
sinjigaaga sawrac dheeh le ku sifaysan
sow ma moodo qorax saaran fad siraadan

aan ka suulno sir sarbeeban siliceeda
igu saacid fahan sugan sababtiisa

ha igu sabin sacabo been ah oo saluug leh
xubi suuban ha sagsaagin saxmi maaye
samirkaaga ha sar gooynin ha siyaadee

sidaad doonto sidaad diido naf sugaysa
sawirkaaga siisanaynin bilyan soohdin
san ku neefle kula simaynin sikin doora
bal la saayir ha ku saarin nukur saaka

Exit mobile version