Idil kood haweenkaa
Ka maseera hodanoo
Haybadiyo asluubtiyo
Hagoogtay ku caan
Tahee X2

Hantidedu waa qurux
Rabi hibo usiiyoo xuural
Caynta hosiyo dumarkay
Hal dheer tahee X2

Ifka taan haweestiyo
Hadiyad weeye aan
Helay

Dhabtedu waa hadhac
Lagu helo nasiimada
Hoygeeda bilan baa
Hurdo aan ku sexda
Howrarta mansiyo
Adan kuu dhameyee
Hodan waa dhames
Dumar X2

Hodantii ideeqdaay
Huuno miyirkayga
Qaadee aado maan
Kaad ku tala hodanay
Maan kaad ku taalaa
X2

Hogoshiyo daruurtiyo
Nuurkiyo hilaacaa
Ku mashquula hodano
Hablahay u sidataa
X2

Muuqeedu waa hibo
Hoodaa u gaaroo
Hido waxay ka sidata
Hooyadeeda macan
Badan X2

Hubaal taan ku faniyo
Heego muuq dheer

Habsamida dhaqaqiyo
Hanankiyo hubqadkaa
Iga keenay heestee
Lama helo dhigeeda
Hamiga aan kutamiyo
Hadafkayga weyaan
Hubaal waan ku reesta
X2

Hodantii ideqdaay
Huuno miyirkayga
Qaadee aado maan
Kad ku taala hodanay
Maan kaad ku taalaa
X2

Exit mobile version