ubixiyo udgooneey
indhahayga deeqdaay
eegmada u rooneey
adaan kuu irdhoobee
unugyada dareenkiyo
idil waaxyahay
aday kuu ilmeeyaan
umulkiisa caashaqa
ka adkaysan waayee

axidgii aan dhawrnee kaalay
aroos aan yagleelnee kaalay
aqbalay warkaagee kaalay
adigaan ku sugayee kaalay

olol iyo hilaaciyo
dayax ii iftiimow
edeb iyo xishoodiyo
asluubtiisa wacanow

ayaaniyo nasiibiyo
calafbaa adeegoo
ifka la isu dhaafeee

ilayskii naftaydaay
isir taan wadaagnaay
inanyahay la'aantaa
ololbaa iga baxayee
oogada jidhkaygiyo
wadnuhuu abaaroo
urugada ku raagtee

ubixii naftaydoow
aramida jacaylkaa
oofaha i goysoo
la itaal dareeyee
ililaha wadniahiyo
uurkaa ku jecelee
sideen kugu iloobaa

Exit mobile version