Rucdan aan u dhigay jacayl
Ramas lagu qabooba iyoo
Rucdan aan u dhigay jacayl
Ramas lagu qabooba iyoo
Dalad rogay wanaag
Runtii garan weydayee
Runtii garan weydayee

Jacaylkaan rafaadayee
Samaa laga riixayaa
Jacaylkaan rafaadayee
Samaa laga riixayaa
Run sheegoo maxaa ku dhacay
Risqiga been laguma helo
Risqiga been laguma helo

Riyaan raad qaadayaa
Anoo dhabta ruugi kara
Riyaan raad qaadayaa
Anoo dhabta ruugi karA
Ismoodsiisku raaxo maleh
Rafiiqeenu waa raxmaan

Murtida lama reebayee sidii
Loo keydadaa murtida
Murtida lama reebayee sidii
Loo keydadaa
Maankay rushaynasaa
Xiskiga marbay kaa rabtaa
Xiskiga marbay kaa rabtaa

Ruuxan cishqibay wadoo
Dhankiisaa dhawaaqayee
Ruuxan cishqibay wadoo
Dhankiisaa dhawaaqayee
Dhankiisa huugalee
Qalbigu ma raaraacayaa
Qalbigu ma raaraacayaa

Riyaan raad qaadayaa
Anoo dhabta ruugi kara
Riyaan raad qaadayaa
Anoo dhabta ruugi karA
Ismoodsiisku raaxo maleh
Rafiiqeenu waa raxmaan

Rafiiqeenu waa raxmaan
Rafiiqeenu waa raxmaan
Rafiiqeenu waa raxmaan

Exit mobile version