Sahalkiyo dalxiiskii
Afrika seereheegii
Sidimaal ku suganahay
Socdaalkii
mombasana
Sibiq jaar la igu galay
Salaantiyo bariidada
Salan ka qaadee
Soonaali inay tahay
Isku seegnay fahankoo
Kasii dhaxalay hadalkii
Sahay waxaan uhelay
Sableelka tooskiyo
Sanqaroorka quruxdiyo
Suniyaha isdhaafkiyo
Sadriga buuxshoo
Waa su'aal layaablee
Sideebaan wax yeelaa
Saxaraha qorfaa dilay
Siman roob haduu do'o
Suudbaad imaanimye

Exit mobile version