jacayloow idaa
sadex maado igu daa
dumarkii xishoon jiray
ragu dadab la gali jiray
duunyana ka bixin jiray
waa dayax la moodii
da,dan maanta joogtana
dookkhaygu kama helin
igu daa jacayloow
mar hadaan dahabiyo
daaro fooq lahaynoo
cidna dibada ii jirin
doolar ii imaanayn
danyar igu xisaaboo
igu daa jacayoow

jacayloow idaa
sadex maado igu daa
mar hadaan da,wanahay
diintiyo cibaadada
da,doodaan u leexdoo
rabibaan dugsanayaa
danbi dhaaf codsanayaa
igu daa jacayloow
mar hadaan dahabiyo
daaro fooq lahaynoo
cidi dibada ii jirinay
doolar ii imaanayn
danyar igu xisaaboo
igu daa jacayloow

Exit mobile version