anoo kuu haysta xul
ayaad ka talawday xad
ood xanuun igu beertay xun

jacaylki galisay xar
kal gacaylkan laha xus
ayaad iga galisay xil

anoo u haysta xan
ayaan kaa helay xog
waxan leeyahay xaq
waxan u arkaa xal
inaan iska qaado xil
caashaqu ha ahaado xor

intaad igu dhaaftay xuf
ayaad igu tuurtay xig
waxaad igu xidhatay xigi

waxad is lahayd xad
maankiyo caqligiisa xis
waxaad u samaysay kas

Exit mobile version