Nawaal dherekaaga
Iyo jooggaaaga
Dhaqaaq socodkiyo
Hannaaankaaga
Dhalaal midabkaaga
Quruxdiisa
Qalpigaad dhifatoo
Jacayl dhigat

Dhexdaan qoraniyo
Xishoodkaaga
Dhabanka xaadda leh xasuustiisa
Timaha dheeree garbaha dhaafa
Ishii dhugataan ku dhaafayne

Adaan dhaladee
Ku dhawranayaaa
Dharaar iyo layl ku eeganayaa dhammaystiraneey
Dhankaad joogtaan ku dhiiranayaa
Dhalaal badaneey

Nawaal dhaqankiyo asluubtaada
Dhashii nabi yuusufoo dhabahee
Markuu dhawaqaaga igu dhacaybaa
Dheeftiisa jacayl dareemahee

Sidii dhada roob udgoonbaneey
Dhoolaha qosalkana xariir ugubeey
Dhankaan eegaba hannaan wacaneey
Dhirtoo ubaxliyo magool qariyaay

Adaan dhaladeey
Dhaladeey
Kudhawranayaaa
Dharaariyo layl
Ku eeganayaa dhammaystiraneey
Dhankaad joogtaan
Ku dhiiranayaa dhalaal badaneey.

Exit mobile version