Wiil yaroo barbaariyo
Inan hadduu balaadho
Shaxda buuxda gaari
Waa inuu bannaankiyo
Usoo baxaa da'diisee

Aniguna bidhaaniyo
Waxbaa ii bikaacoo
Kaala baxay haweenkoo
Beerkaygaad kuwayntahay

Dhulku kala balarane
Barxaddii wardhiigley
Xaafaddii barwaaqada
Aan arooska kugu dhigo

Waa haween bulaashood
Dumar kala bardheeroo
Baarkiyo sankeeduna
Waa la isku beegoo
Una bogay xaqiiqdii

Xubnaha barkoodana
Waala kala bayaanshoo
Jooggiyo bidhaantuna
Buurbaa lamoodaa

Dhulku kala balarane
Barxaddii wardhiigley
Xaafaddii barwaaqada
Aan arooska kugu dhigo

Wiil yaroo barbaariyo
Inan hadduu balaadho
Shaxda buuxda gaari
Waa inuu bannaankiyo
Usoo baxaa da'diisee

Exit mobile version