waa damac aduunkuye
labadii i sdoortee
la iskugu duceeyee
deeqaay daraadaa
doorkii aan ku caashaqay
degmadiina sahansaday
anigoo dad kuu jecel
ilkahaagan dabarka leh
dibnahaagan dhuxusha
indhahaygu daymada
kama daalayaan
baadhi baadhi dacaladeediyo
docmo iyo nugaaliyo
aan dalxiis ku geeyee
deegaanka soo arag

hadal dabacsanaantiyo
timaheeda kala dagay
rabi ugu deeqee
deeqaay daraadaa
duulaaanka caashaqa
daris baanu noqonoo
kuma dayn karaayoo
dumar daawashada guud
anigoo dad kuu jecel
indhahaygu daymada
kama daalayaan
baadhi baadhi dacaladeediyo
docmo iyo nugaaliyo
aan dalxiis ku geeyee
deegaanka soo arag

Exit mobile version