Hadaan kuu maroo
Adiga kuu ilmaynayoo
Maxaad axmed odhan lahayd

Inaan aqal wada galnaa
Ayaankeenu ahaa
Ayaankeenu ahaa
Arwaaxdeeduna samawdaa

Markaan ku arkaa xaniyo
Cishqigu i afduubayaa
Xishoodka la aamusaa

Aniga caashaqan i helay
Dadkaa walal wada ogsoo
Ergaana laguugu iman
Ergaana laguugu iman

Hadanad ikhtiyaar lahayn
Cishqigu ii kaa amroo
Maxaa nagu odhan lahayd

Inaan kaa deeqdayoo
Naftaan kugu aaminee
Naftaan kugu aaminee
Ugxanta jacayl abuur

Markaan ku arkaa xaniyo
Cishqigu i afduubayaa
Xishoodka la aamusaa

Aniga caashaqan i helay
Dadkaa walal wada ogsoo
Ergaana laguugu iman
Ergaana laguugu iman

Exit mobile version