VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hoobaalayoo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Sahra halgan
Hoobaalayoo

hoobaalayow heedhe
halkii aan ku ababayiyo
hargeysiyo burcooy heedhe
dhulkii aan ku hanaqaadiyo
arabsiyooy heedhe
hoobaalayow heedhe
gabilay hadhkeediyo
hankii booramaay heedhe
hoobaalayow heedhe
hilaadii wajaaliyo
dhulkii horumarkaw heedhe
hoobaalayow heedhe
hareeraha badeeeniyo
hawda la isku dilayaay dheh
hoobaalayow heedhe
saaxil iyo hanaankeeda wacan
hilin wanaageed dheh
hoobaalayow heedhe
heerkeeda sheekhiyo
jidkaad nabad ku haystaa dheh
hoobaalayow heedhe
hamuuntaan u qabo ceerigaabo
dalay hiligeeda hee dheh
hoobaalayow heedhe
hilaadeeda buuhoodle
iyo harada lascaanood
hoobaalayow heedhe
haabhaabo caynabo
saraar hoosna ha u dhaafin
hoobaalayow heedhe
hodoan weeye beeraha
ku yaal saba cadaabkeeda
hoobaalayow heedhe
allahayoow adaa noo hayee
lagu haraad beelo
hoobaalayow heedhe
taariikhdeena haybteedu
waa lama haleeyaan dheh
hoobaalayow heedhe
hawdiyo galbeediyo
dhulkay hooyaday tahay dheh
hoobaalayow heedhe
halgankiyo dalkii halkii
aan kusoo galay dheh
hoobaalayow heedhe
halyeeyadu halkay igaga
dhinteen hoobiyuhu laayay
hoobaalayow heedhe
ma hilmaami karo wiilashii
hawsarku u sidaye
hoobaalayow heedhe
naafadu halkay igaga taal
waa hafeef darane
hoobaalayow heedhe
haanta nabada hawsha iska jira
yaanay hoos u dhicine
hoobaalayow heedhe
haye guusha cadawga iska hira
heera nacabkeena
hoobaalayow heedhe

codkii Sahra halgan