madaxnimadu xoogiyo
muran iyo dhib iyo
aan maroorsho maahe
nimuu mawle siiyyiyo
midigtiisa galiyiyo
maalmo ugu ggargaara
adna waad mutaysatee
mawlihii ku siiyay
mar labadna kuu dhiib
maalmihii qadhaadhaa
kuwii noo miciinayo
bal mujaahidiintii
madaxwayne soo eg

kuwii mawdku qaadiyo
mudankay dhaleen
marna lagama guuree
midse iga dardaarane
heestu ay micnaysee
magacoodu yuu lumin
adna waad mutaysatee
mawlihi ku siiyay
mar labaadna kuu dhiib
malmihii qadaadhaa
kuwii noo miciinayo
bal mujaahidiintii
madaxwayne soo eg

Exit mobile version