Alaylahee waar hantiyay
Halyay ubad loo dhaliyo
Gayigu wiilkuu jeclaa

Naftaa kuu waalanoo
Halbwlaha iyo wadnaha
Adaa hanadoow dagee

Horaan kuu aaminoo
Habeen dhalad baad tahee
Horaan kuu aaminoo
Habeen dhalad baad tahee

Jacaylkeenii hufnaa
Hadhuubkii buuxsayoo
Jacaylkeenii hufnaa
Hadhuubkii buuxsayoo
Alaan alaan mahad ugu hayaa
Alaan alaan mahad ugu hayaa

Mid aan la kala hafayn
Habsami qurux iyo aqoon
Intii geesi uu lahaa
Wanaag iyo haybadoo
Had iyo goor waxa ila weyn
Habeenkaan kulanay iyo

Ayaankii iyo hoodadii
Habeen dhalad baad tahee
Ayaankii iyo hoodadii
Habeen dhalad baad tahee

Jacaylkeenii hufnaa
Hadhuubkii buuxsayoo
Jacaylkeenii hufnaa
Hadhuubkii buuxsayoo
Alaan alaan mahad ugu hayaa
Alaan alaan mahad ugu hayaa

Exit mobile version