Joogiyo jaahiyo jiniga
Jeedaalada daymadii
Jawharad la iiga kaa dhigyo
Jamaalkaaga i dilay

Jaleeco ilbidhiqsiya
Jacayl igu beertayoo
Jidiinka wixii mariyo
Jifkiiba igu dirqiya
Jiriyo oonka ha igu dayn
Jidiinkiiba igu dirqiya
Xabiibii jeelka ha igu dayn

Qalbiga jaar igala noqo
Jawaabo kalgacal i sii
Jeex iga midabaad tahee
Jees iyo reer ila yagleel

Jaaliye jiidh kuu damqada
Jixinjix wqa loo galaa
Judhay ku arkeen indhuhu
Naftaad soo jeedatoo

Xiisuhu wuu kaa jabaa
Jujuubo jacayl rasmiya
Jirkaa beerkayga dhigay
Bogayga adigaa ku jira
Dareen jidhidhicaa ku jaban

Exit mobile version