VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Daruurtaan - Lyrics

Intaan ul iyo diirkeed Isku duuban aan nahay Ul iyo diir isku duuban aan nahay Dar Ilaahay gacaliye Intaad daacad ii tahay Intaad daacad ii tahay 2x Intaad intaad dabcsanaantana Qalbi ii diyaar tahay Qalbi ii diyaar tahay Dareen dareenkiyo jacaylkana Daamqashada mid qudha nahay Daamqashada mid qudha nahay 2x Buurbaan dul saaranahay Oo daruurtaan la simanahay Boqor dub leh baan ahay Darajaan rag dheerahay Buurbaan dul saaranahay Daruurtaan la simanahay Dunidaan U madanahay Dumarkaan wax dheerahay 2x Inta aynu dareen qudha Farxad ugu dul noolnahay Hoy dareen qudha Farxad ugu dul noolnahay Inta uu dubkaaguna Gibilkayga U damqado Gibilkayga U damqado 2x Intaa intaa dabuubtiyo dabuubtiyo Dulucdaada aan hayo Dulucdaada aan hayo Intaa intaa dabiibkiyo dabiibkiyo Dawadeyda aad tahay Dawadeyda aad tahay 2x Buurbaan dul saaranahay Oo daruurtaan la simanahay Boqor dub leh baan ahay Darajaan rag dheerahay Buurbaan dul saaranahay Daruurtaan la simanahay Dunidaan U madanahay Dumarkaan wax dheerahay 2x
Queue is empty
-- / --