sidaad u daryeesho
qofkuugu dadaala
qof kuu damqanaaya
dhibkaaga dareema
deel qaafka yimaada
qof kuugu qof kuugu dulqaata

sidaad u daryeesho
qofkuugu dadaala
qof kuu damqanaaya
dhibkaaga dareema
deel qaafka yimaada
qof kuugu qof kuugu dulqaata

markaad hesho daacad
mid aan ku dagaalin
daryeela naftaada
xubiga dacalkiisa
mid baylah u diida
noloshu dahb dahab
noloshu dahab weeyi

markaad hesho daacad
mid aan ku dagaalin
daryeela naftaada
xubiga dacalkiisa
mid baylah u diida
noloshu dahab dahab
noloshu dahab weeyi

dookhayga naftaada
naftayda u dooray
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo

dookhayga naftaada
naftayda u dooray
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo

mid aan dayacaynin
oon koonkaa ka doortay
sidaad uga diirto
wixii yar darnaada
dabuubta yar taagan
dhagtaa dhagtaada u diida

mid aan dayacaynin
oon koonkaa ka doortay
sidaad uga diirto
wixii yar darnaada
dabuubta yar taagan
dhagtaa dhagtaada u diida

dabeecad wanaaga
da'diisa ku dhaafay
markuu dun xariira
dirkii anbiyada
ILAAH kuugu deeqo
noloshu dahab dahab
noloshu dahab weeye

dabeecad wanaaga
da'diisa ku dhaafay
markuu dun xariira
dirkii anbiyada
ILAAH kuugu deeqo
noloshu dahab dahab
noloshu dahab weeye

dookhayga naftaada
naftayda u dooray
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo

dookhayga naftaada
naftayda u dooray
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo
januu ila doonay
inaan dhex dakeeyo

Exit mobile version