Sidii roob miray dhulka wada miray
Geesigan u muhdee muxiba i siiyow
Daalkii maalmahan kii iga maydhow

Suldaanka maankiyo
Caaqilkii maskaxdow
Masuulka naftiyo
Maamulkii ruuxdow
Mudanaha qalbigee
Musharaxa xiskaygee
Ku milmay laabtaw

Milyan dhaamaw
Deeqsi magaclow
Xilkas milgo low
Maamul sharaflow
Dhib aduun macaanow
MAWLE kuma bado

Sidii man baxay
Midho wada dhalay
Midkii aan u muhde
Micno ii noqdow
Murugti waayadan
Kii iga moosoow

Haldoorka miyirkiyo
Mataankii naftow
Micnaha noloshiyo
Gacantaydii midigow
Marinka laabtiyo
Ma jaraha hankaygee
Ku milmay beerkow

Exit mobile version