jaceyl yahow xarakadeynta
xiisiyo jaajar taynta
xubiga hadba kaad lajoogto
ayaad la jirtaa xagiisa
xurmana kii ugu horeeyay
xasuus uma haysid caashaq
xumaanta abaal la aantaa
xageed kala timid nacdiirka
xaqdhowr marna igama waayin
xanaanona maan yareysa
adaa cuqdadiyo xanuunka
ka hela xanaftiyo naceybka
dharaarbA HAdaad uxiinto
hadba xagii tilaad leh
xadkii caashaqu lahaa iyo
xadhkihii waaad wada jartoo
dadnaba waxba xeerin weyday
xayndaabkii jaceylkaa dhaaftey
xidhiidhada hada bilaabmey
intay kuu xumayntu gaadhin
xaqdhowr marna igama waayin
xanaano maan yareysan
adaa cuqdadiiyo xanuunka
kahela xanaftiyo naceybka

Exit mobile version