inanyahaw qaloocaba
qumaatiga u haystee
isagoon qabsoomayn
quudhsiga ku caan baxay
dhaaxaan ku qariyoon
qayd kugu xambaaree
hadii aadan qajilahayn
kaa quustay aniguna
qayb weeyaan calafkuye
isagaa i qasbaayee
qoys inaan wadaagnaba
uma qalantid wiilyahaw

wax kastoon qadarin laa
qaladkii aan sixi lahaa
qasnadahaan lahayniyo
siraheeni maad qubin
adoon qasoonanyn
ahelkiyo qaraabada
qiso yaab leh maad badin
qiimaheenii maad lumin
qayb weeyaan calafkuye
isagaa i qasbaayee
qoys inaan wadaagnaba
uma qalantid wiilyahaw

Exit mobile version