daymada indhaha
u daraadaroo
maankayga deeqdee
ma daruur hilaacdoo
lagu diirsadiyo
dabayl caafimaadbaa

dadka lama sinee
ma ubax dilaacoo
daymada u roonbaa

DAA'IMOW ALLOW
isu kaaya daa

inaan dadab galnaan
DAA'IMKEEN baryoon
ubad daadahaynee

macaan soo dadaal
ha iga daahinoo
aan daryeelno caashaqa

Exit mobile version