naf xoraan ahoo jacayl
uu xiskiyo xididada waxan
ahay xarun uu ku yeeshoo
intuu ku xidhay meel
ku xasilay halbawlaha
dadyow bal nasiib xumantay
waxa aan xakaariyo
xanuun iyo dhib soo maray

wiilkii la igu xaman jiray
aan u go ay xagiisii kama
helin xanaaniyo inuu
gudo xaqaygee gacal iyo
xigaalow maxaa ii xal noqon
kara

xag kasta markaan dayay
ee aan xisaabtamay
xaaladaan ku suganahay
noloshana xayaatiyo
xiisa ima laha oo xarakaadba
waan gabay
hadmaan xanaftiyo dhibtan
qabo xeradan ka bixiyoo
xidigaygu nuur heli

Exit mobile version