Waa ubax jacaylkuba
Eegmadaadisiyo
Ogow jaleecadaa
Inadhahaaga buuxshee

Ma idlaado ma abaado
Lagamana adkaystee
Ma idlaado ma abaado
Lagamana adkaystee

Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Midna lama ilaawee
Midna lama ilaawee
Ha halaynin aayaha

Horod iyo ayaanbaa
Adiga is dhaadshaa
Hadaa tahay aqoon bida
Ana ku ambin maayee

Mana iidmo mana oodmo
Alaa nin ku baajaa
Mana iidmo mana oodmo
Alaa nin ku baajaa

Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Anigana awood liyoo
Anigana awood liyoo
Ha iga didine qooshtaa

Nin asqaysan awgaa
Ambad laguma sheegee
Inaan ahay mid oo runiyo
Aawadaa haraad qabaa

Ila argtay kuna idhiye
Ma i aqoonsanaysaa
Ila argtay kuna idhiye
Ma i aqoonsanaysaa

Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Midna lama ilaawee
Midna lama ilaawee
Ha halaynin aayaha

Talo maaha aadmigu
Tuu hurud jeclaystee
Hadba waa ilaahay
Arin kuu hirgaliyaa

Ha i odhanin hana eegin
Inankaad abaad dhaco
Ha i odhanin hana eegin
Inankaad abaad dhaco

Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Anigana awood liyoo
Anigana awood liyoo
Hayga didine qooshtaa

Inanyahay ilwaad qurux
Iyo dumar amaantii
Waxaa tahay ilaahay
Igin mid uu ku kooboo

Ii ma lihid eed ma lihid
Sidanaan arkaayee
Ii ma lihid eed ma lihid
Sidanaan arkaayee

Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Dadna ruux ku aaminay
Iyo wacad ilaahay
Midna lama ilaawee
Midna lama ilaawee
Ha halaynin aayaha

Inanyahow asaagaa
Adna waad u sidataa
Waxaa tahay il doog liyo
Ubax soo baxaayee

Eegmadaada indhahaygu
Alay lahee jeclaysteen
Eegmadaada indhahaygu
Alay lahee jeclaysteen

Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee
Anigana awood liyoo
Anigana awood liyoo
Hayga didine qooshtaa

Exit mobile version