Meer meertooy aduun
Ninba maalintiisa
Ay soo martaayee
Maankaa ku haay

Mac waa la cunaayee
Muf waa la tufaa
Wixii uu maceena
Mayaa la iska yiraa

Ma i marayso maneenadaas
Masalaa wadataa
Meel kuuma haayo
Waa kaa maarmayee

Ma mudaynin miyaa
Mareegii jacaylkee
Aad mutaysee
Maan gaabnimadaa

Malmadii murtidaa tahay
Iyo webii
Ma hilmaamtay markii
Oo macaanoow ku lahaa

Ma i marayso maneenadaas
Masalaa wadataa
Meel kuuma haayo
Waa kaa maarmayee

Exit mobile version