warihii wacnaanyow xareeda warnee
wax badan inaan ka maqnaadee
wadano wadankayga ahayn
ku waabariisto wareer waayo

waabtii ku dhashee ku waynaade
waaxyahii jidkaygiyo wadnahay ahayd
walo wayn waayee

waqtigii tukadee waaxidkaan u baryaa
walwal iyo walbahaar la'aan inay ku waaraane

walo iyo wagleey waa san ciideed kii
waalalow waa waxuu u wareersadayee
waayay wasladii iyo weelka caano geel
aan waraabi jiree

Exit mobile version