calmashada midaan dumar
ka caleemo saartee
dookhu ii cajibayaay
nolol caashaqeenii

calafkeenii wada jiray
culays la ina saariyo
ehel nooga shubay ciid
shukri nooga shubay ciid

cid kastaba ha hadashee
cindigaygu ruux kale
uma furo codkaygee
cisaan kuu hayaa adi

cadad malaha jacaylkan
ugu sido calooshoo
cindigaad ku wayntoo
hadaad caawa kaligaa
cidlo aad ku nooshihiyo
aniguba caloolyoow
cisho nool ma seexdoo
shukri ciil ma seexdoo

Exit mobile version