Aduunyada korkeediyo
Koonkeynu jooganaba
Ruuxuu kalgacal hello
Een haynin kuu rabay
Kama baxo kadeedkoo
Isma kaafin karayee
Caashaqa karkiisiyo
Kuleylkiisa badanbaa
Igu sii kordhaayee
Kaalay kaalay
Kaalintaada ila qabo
Kaalay kaalay
Kashiyo laabta igu qabo
Ayaamahan kalgacalkaa
Igu laba kacleeyoo
Aniguna kifaaxeey
Kaalmaati adigaan
Kaa dhowra yaayee
Kaana maarmi maayee
Caashaqa karkiisiyo
Kuleylkiisa badanbaa
Igu sii kordhaayee
Kaalay kaalay
Kaalintaada ilaqabo
Kaalay kaalay
Kashiyo laabta igu qabo