huro kama bogtoodo
barkinbaa ku tirshaa
boga iyo calooshe

beerban u seexda
barbarada ma qabanaye
anigo burburayoo
dhinacyadu i barareen
waagu ii barye

bogi jacaylka
wuxuu i baaday
ayaa iga ba'ayne

intii an badqabaaye
hawshiisu igu badan
ha u baran lahaayaha
ha u bacain lahaayaha
imikoon bastoo ahay
baroor wax ma ii qaban

ala bogsan maayo
bilic iyo nasiibkay
cidla u baxsan waye

cadceeda i dhaafta
ila baafin waydee
hee haaa

tuwaaliga bishii kale
igu sii balamisoo
igu badashee

bari iyo maanta
baaxnaanadayda
nafta been u sheegte

intii an badqabaaye
hawshiisu igu badan
ha u baran lahaayaha
ha u bacain lahaayaha
imikoon bastoo ahay
baroor miyaa wax ii taban

Exit mobile version