Ka guuray jacaylka
Gaabsadayoo
Markaad goysaybaan
Ku garab marayee

Naftii gacalada
Ku goobi jirtaa
Gadaal u dagtee
Ha goobin walaal

Ma garba jacayl ma garbaa
Ma giraaftan joogta abaa
Ka garoo waxaan jiriniyo
Gardarada ku samirbaa

Heliyaalo helee heliyaalo

Ka guuray jacaylka
Gaabsadayoo
Niyadii godlanayd
Marbay gudhi

Gafkaa ku samaysay
Way gubatee
Gareeso xumahaa
Garabka suran

Exit mobile version