hadii ugub is caashaqay
mudo kala cidloobaan
cindigiidu lahashada
marna kama calool go o

ruux jacayl ku caami
wuxuu laabta u culaa
waa qofkuu calmaday iyo
caku hibashadiisee

ana ciirsigiiyo
xusuustiyo codkaagan
ku caynshaa naftaydoo
caqligaan ku sabayaa
cisho noolba kulantidaadee
adoo caafimaad qaba
caadil ha isku keen simo

raga caalamkoo idil
caaqilkaan ka doortoow
cidna kulama simayee
naftaydaad ku culustahay

culagashada nasiibkiyo
calaf kaan ku helayoow
cisibaad agtaydani
ciil tiroow ka mudantahay

ana ciirsigiiyoo
xasuustiyo codkaagan
ku caynshaa naftaydoo
caqligaan ku sabayaa
cisho noolba kulantidaade

adoo caafimaad qaba
caadil ha isku keen simo
by masuul.com
lyrics

Exit mobile version