qofyohow ra’yiga madhan taariikhda dib u raac
waxaad raadinaysaa ruuxaan ku rabinoo
rubadiisa ka jarayee

qalbi kuu raxlayn jirayee waadigii iska riixaayee
ha igu soo rogaal celineey kolnaba marnaba ha raad kicineey

rafaadkii i soo maray reenkiyo taahii
sida ruux bukaana dadku ii rogrogi jiray
hada waan ka raystee ha i raadsan anigee
kaligaa kaligaa nabsiga raro

hadaan raali galin jirin la isuma rafaadee
iga reeb hankaagoo raadso gabadh kale
ha i daba ha i daba rucleyn anigee

runtuna waxay tahay anigu kuma raba ee
adna iima roonidee iga reeb iga reeb hankaaga ee

Exit mobile version