jacayl baa i helay
jira aan dhamaan
iyo jawi kalgacal
jiidhkiyo qalbiga
jiraduu ku riday
kama jiifsado
jirab kaan u maray
jawaab inaan u helo
kama joogi karoo
jiilkii midkaan
ka jeclaadayoow
jeexii naftoow
ku jantaye adigu
ma ii jeelan tahay

jeegaan cirkiyo
dhulka joogsataa
jaleecada u roon
sida jidhkiyo
jeegada wadnaha
jilbi dhigatayoo
jano kaaga wacan
jaahaaga bilan
kama jeesan karo
jiilkii midkaan
ka jeclaadayoow
jeexii naftoow
ku jantaye adigu
ma ii jeelan tahay

Exit mobile version