jacayl milanoo sidii malaboo macaan
midkii igu habee ee maankayga
maankayga dagee magaciisa ku daabacaw

ragaad ugu mudantoo
qalbigaad ku milantoo
macaanow maxamedow
miyaan kaa ahaan karaayaa

muxibadaan qabiyo
kalgacalkii midho dhalee
midkii aan rabee
MAWLOW ha iga qaadin

muftaaxii nolosha iyo
midhihii janada
mataankii naftaydaw
miyirsaday markii aad
midigtayda timidee

maalmo weeyaan duniduye
magacsami ku noolow
murugiyo dhibaatana
ha mutaysan waligaa
macalinkii naftaydoow

Exit mobile version