hadii laba mudnaaniyo
isasa siiso maamuus
ama hadal macaaniyo
ku midooba caashaqa
mar haday is waayaan
mudo kala maqnaadaan
qalbigii midaysnaa
kala mooso waayuhu
soo urugo iyo ciiil
midba meesha uu tago
ma xasuusto kii kale
ana muhashadaadii
marna kaama maarmee
ha iga maqnaanin
maalin iyo laba
adaan kugi mashquulee

laba aan muuqiyo
kala maarmin abidkood
miindhada kalgacalkuna
maalin qudha ay soo marin
mid haduuu xayiran yahay
ka kalana ma moogee
meehanawga gocoshada
mataanaha ay ku wada yihiin
anigana mareegtii
mahuraanka caashaqu
sidii bay iigu maran tahay
ana muhashadaadii
marna kaama maarmee
ha iga maqnaanin
maalin iyo laba
adaan kugu mashquulee

Exit mobile version