Anoo kaliyaan dhashee
Naftayda kumaad tolayn

Kalsoonida oo luntana
Qalbigu kama soo kabtee
Nasiibkaagaan ku raacshee

Anoo kaa raaliyoo
Karaamana kuu hayaan ku dhigay
Wanaag baan kugu ogee
Kufkaa ugu wada saree

Xiskii kuu siday wanaag
Ayaa ku keh nabadgalyee

Kaskaaga oo lulmana
Nabdigu kuma niyadsamee
Nasiibkaagaan ku raacshee

Anoo kaa raaliyoo
Karaamana kuu hayaan ku dhigay
Wanaag baan kugu ogee
Kufkaa ugu wada saree

Exit mobile version