caashaqan kugu sheegtay toos
hadimiyo dhib aduun ka moos
wadnahaan kaa siiyay boos
guntiyo ha ka goynin hoos

markaan kuu noqdo xaas
shar iyo iska dhawrno baas
qudhayda ku siiyo khaas
qayliyo ka ilaali yuus

go'aankaygu waaba saas
ha noqon dhoohaniyo basaas
dhuuxoo erayada ku hees
dhagaha mar labaad u biis

jacaylkana ha ku oogin kiis
ha i badin niyad jabiyo quus
jarmiyo ha u quurin faas
naciyo ha ku noqonin suus

kalgacal ha u riixin gees
laab cudoon sideed ugu xiis
qanciyo la fadhiiso miis
waxaan sugayaa waa midaas

Exit mobile version