sida meel barwaaqaa
oo buuro dhaadheer
webi baal maraayoo
barbarkana duruuruhu
kaga beegan yihiinoow
waaguna beryaayoo
bardihii magooliyo
ubaxii gadaal baxay
balan baalis qalimale
hadba laanka boodaa
adna iibidhaantaa
biligtaadu waa taa
kalgacalka beertoo
bilicdaad wax dheertahay
meel baadku ku hooroo
maajeen baldhiiliyo
maadhiyo bandhooluhu
baarka isku soohdeen
aan bahal ugaariyo
baryahaa dad soo marin
oo wali bur laga goyn
biyuhuna qulqulayaan
sida loogu oon baxo
yaan kugu badhaadhaa
adna ii bidhaantaa
hawdiyo banaanoo
beeshu nabad bariisada
barqinayso maalkoo
ay beri samaaday
dhalintiyoo barbaartuna
dhaantiyo balooleey
bulsho gago u fayteen
sida loogu beer raqo
subaxaan ku booqdaba

Exit mobile version