mataanaha kalgacayl dhaba
mudo dheer barbaarshee
axdigoodu meel maray
laba meher xalaaliyo
muxibo isku guursadoo
aroosna loo mashxarada
darajadan mutaystee
mudaniyo marwo
maxamed iyo faysa
magaciin ha waaree
waalidkiin maslaxiyo
martisoor ku caanbaxay
mawluhu ha idinka dhigo

dawo waa milgaha guur
mansab laba is mudataa
martaba ay ku gaadhaan
waana murtaaxa nolosha iyo
muxibada rugteediyo
masuuliyad ay qaadan
lamaanaha midaysani
mudaniyo marwo
maxamed iyo faysa
magaciin ha waaree
waalidkiin maslaxiyo
martisoor ku caanbaxay
mawluhu ha idinka dhigo

Exit mobile version