soo dahab la moodii
damac iima gaynino
dookhaygii may noqon
dareen baad i galisayo
dugaashaday naftaydaa
dumar ugu habooneey
dayax midab ka nuur badan
dunidoo barwaaqaa
daruur saymo curataa
doogii kasoo baxaa
daymadiisa leedahay

daymada u rooneey
dulqaadkaagii wacan baa
dumar kaala soo baxay
qalanjaay walaaleey
dalxiisaan ku geeyoo
ceelkii danoodiyo
kaalay daalo soo arag
dunidoo barwaaqaa
daruur saymo curataa
doogii kasoo baxaa
daymadiisa leedahay

Exit mobile version