hadii dumar inoo dhibiyo dhaqma kala leeyihiin
dhabeelyahay gaarinimo ILAAHba kuu dhashee
dhowriyo tobankii hore habeenkii lagu dhaafi jiray
dhamaan waad leedahoo adiga way kuu dhanyihiin

sidii dhabigii hargaysa hablaha aad ka dhex muuqataaye
indhuhu waxay dhuganayaan dhinacaad iga taagantee
hadii dumar inuun dhibiyo dheeldheel hadal loogu yidhi
abwaanadu heeska bilan amaanta ugu kala dhigay
dhamaan waxay sheegayeen waxbadanbaad dheertoo
RABIGAY miduu dhawray iyo dhaliili way kaa fogtay

Exit mobile version