VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Eedo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Samatar yare
Eedo

eedaan la yaabee
arxankedu darana
islaamnimada gudnimo
ma ilaalinaysee
ishay kugu gubtaayoo
afkay kaala dirirtaa
kuma saarto adhaxdoo
eray waxay tidhaahdaa
alla qaadkaan maxa dhigay agtaydi
wiil haduu afarjiroo
hooyadii uu waayaa
aabo kuma ogaadee
edoo kuma daryeeshee
ul bay kula dhacdaa

adoo oon ku hayaa
itaalkaagu daran yahay
oo ila xareed badan
indhuhu ay u muuqdaan
aad inaad ku aadiyo
awoodaadu heli karin
markaad oyso leelkii
hooyo hakuu adeegtee
kuu urado baxaysee
aamus kugu idhaahdee
wiil haduu afarjiroo
hooyadii uu waayaa
aabo kuma ogaadee
edoo kuma daryeeshee
ul bay kula dhacdaa

codkii Samatar yare