Humaagaa aragaaga
Suuban hablahaa idil
Kood kamasayra qurux
Dana waad uba dhalatee
Abuurtaadu cajiib sanaa
X2

Sidii sidii qorax waaga
Aroornimo aduunka aad
Shidaad muuqiyo ilwaad
Kaad dheeha ka wadataa
Ishii ku aragtaa ayaan san
X2

Midhan ugu faano dunidan
Istaahil baad kutahayoo
Inaan aadamaha tusoo
Il iyo cowribaan uga baqaa
X2

Daymadeedu anfaciyo quud
Waajal oontiyo dhibta reeba
Odhaahdeeduna farxad iyo
Jawi kale ii abuurta ag joog-
Aagu janadaydiyay wa waxa
Qudheen unoolahay x2

Exit mobile version