Ishii shalay kuu ilmeesay
Ayaan adi kaa ahaanayn
Afkaan adi kugu amaanay
Marnaba eed kaama shego
X2

Naftaan adi kuu asqaysan
Ayaa kaa eegta koonka
Sidii ubad kuu ilaashay
Marnaba kaa ahaan karayn
X2

Qalbigaa adigu ku aaminay
Dhaman dumar kaa ishartay
Inuu ku ilaawo diiday adaa
Ku qoran xiskayga x2

Ishaydaa adiga kugu ildoog
Sanaysa dadkaan adi kuu
Jeclahay iftiin baad tahay
Ideeqay kolaba kaa ahaani
Maayo x2

Aadmigu waa daciifee
Adkaysaan faray naftayda
Qof iga maqan oohintiisa
Anay nabar igu ahaatayee
Inaan samir naawiliyo
Niyada khayrban usheega
X2

Exit mobile version