saaxibtinimaa igu wayne
intaan weedhaada qaatay
intiin wedhi kaa ilaashay
intiin farxadaada waabay
waxaa see markaa iseegtay
hubsiimo inaan waraysto

weheey talo waa aduunyo
anoo wehelkay ku mooday
anoo ku walashanaayay
misana ku wanaajinaayay
inaad waran ii afaysay
wadkayga hadaad qorsheysay

kalsoonidaan kugu wakiishay
hadaad anigii iwashay
waxaan ku hadlaa mayaale
dacadnimadaa iwiqday

wacantaan usoo tabcaayey
inaad noo kawarqaaday
damiirku wuxuu ku siiyay
walaalkaa oridiisaa
inaad lawareegtidhaye
maxaan dadnimooy ku waayey

Exit mobile version