sidaan anigu dooniyo
damiirka i xukumayee
horta yaa i diri kara
darsi yaa i fari kara

damac yaa i gelin kara
naftu waxaanay dooneyn
markaan diiday leeyahay
yaa igu dirqiyi kara

daliilkiyo xaqiiqada
indhahaygu dayayaan
daah igama saarne
horta yaa iga dadi kara

duni yaa igu sabi kara
xaqii ya iga dumin kara
qofaan ahay ul iyo diir
dayri yaa i odhan kara

anoo daacad noqon kara
dulmi yaa hi bari kara
anoo darajo hanan kara
hanka yaa iga dili kara

daliilkiyo xaqiiqada
indhahaygu dayayaan
daah igama saarne
horta yaa iga dadi kara

Exit mobile version